Email iyo Gmail waxay yihiin laba erey oo badanaa loo isticmaalo isku mashquul, laakiin waxay leeyihiin macnooyin iyo isticmaalo kala duwan. Inta badan dadku waxay isku qaldan yihiin labadan term, halka ay tahay inay kala qeexaan si ay u fahmaan kaalinta ay kala ciyaaraan isgaarsiinta maalinlaha ah. Qormadan waxay si faahfaahsan uga hadlaysaa farqiga u dhexeeya Gmail iyo Email:

Email: Waa habka guud ee fariimaha elektarooniga ah.

Gmail: Waa adeegga emailka ee shirkadda Google.

Waa Maxay EMAIL?

EMAIL waxaa laga soo gaabiyay ELECTRONIC MAIL: Waa adeeg guud oo loogu talagalay gudbinta fariima-ha hab qoraal ah lifaaqyada (files) iyo xogta.

Email-ku waa hab isgaarsineed oo loogu talagalay in lays ku dhaafsado fariimaha la is kugu diro dhammaan noocyada kala duwan ee aaladaha dunida maanta saaran iyada oo la adeegsanaya shabakada Internet-ka waxaana bixiya adeegaan Shirkado kala duwan.

Waa Maxay GMAIL?

GMAIL waxaa laga soo gaabiyay GOOGLE MAIL: Waa adeeg ka mid ah nidaam-ka loo yaqaan Email oo casri ah ayna si gaar ah u leedahay Shirkadda Google.

Waxa ayna shirkadu ku soo kordhisay Kaydad badan oo qofka u sahlaya in uu xogo badan ku kaydsado, sidoo kale waxaa ka mid ah waxyaabaha uu leeyahay Gmail-ka adeegyo kale oo dheeraad ah kaas oo qofka u sahlaya howlihiisa shaqo sida Google Drive, Google Calendar iyo Google Meet.

EMAIL-KA IYO HEERARKII UU SOO MARAY

1960: Fikrada Email-ka waxa ay ka bilaabatay ni-daamyada Kombiyuutarrada waaweyn ee Jaamacadaha iyo Xarumaha cilmi-baarista Nidaamkaan ayaa sahlayey inay xogo is waydaarsadaan laba kombiyuutar oo isku xiran hal meelna wada yaalla.

1971: Halkan ayuu ka soo unkamay nooca Email ee la yaqaan maanta ka dib markii Ray Tomlinson, oo ahaa American Computer Programmer uu soo saaray calaamada “@” taas oo sahleysa kala saaridda isticmaalaha (User) iyo Server-ka uu adeegsanayo.

1980: Aad ayuu u shaac baxay adeegsiga Email-ka iyada oo lagu soo kordhiyey ni-daam-ka SMTP (Simple Mail Transfer Protocol) kaas oo fududeeyay in fariimaha la is kugu diro Server-ro kala duwan wax-aana aad ugu faa’ideystay Shirkadaha iyo goobaha Waxbarashada.

1990: Xilligaan waxaa aad u shaac baxay adeegsiga Internet-ka waxaana soo shaacbaxay Shirkado kala duwan oo bixiya adeegaan iayadoo dadweynaha dunida ay nasiib u yeesheen in ay helaan adeegyo Email oo lacag la’aan ah wuxuuna noqday aalad aad muhiim ugu ah Isgaarsiinta.

2000: Waxaa maalinba maalinta ka sii dambeysa la horu-marinayey Email-ka iyadoo maalinba wax cusub lagu soo kordhinayo lana adkeynayo amaanka xogta isticmaalayaasha (Users-ka) lalana dagaalamayo weerarrada noocyadooda kala duwan Habaka ugu caansan ee ay ku shaqeeyaan Server-da Email-ka ayaa ah labadaan hab:

  1. SMTP (Simple Mail Transfer Protocol)
  2. IMAP (Internet Message Access Protocol)

GMAIL-KA IYO HEERARKII UU SOO MARAY

2004: Shirkada Google ayaa adeegeeda cusub soo bandhigtay si Tijaabo ah iyada oo dad gaar ah loo ogolaaday adeegsigiisa. Shirkada Googale ayaa suuqa soo geli-say adeegeeda isaga oo wata kayd dhan 1 GB Kaas oo aad uga baaxad weyn Shirkadihii kale ee bixin Jiray adeegaan.

2007: Shirkada Google ayaa adeegcoda Ka Saartay Tijaabada wuxuuna noqday adeeg si rasmi ah ugu furan dhammaan Isticmaalayaasheeda waxayna ku soo kordhisay adeegyo Cusub oo uu ka mid yahay SPAM, Taas oo aad u sii xoojisay Saameynteeda Suuqa.

2012: Shirkada Google ayaa ku soo kordhisay adeegeeda in lagu isticmaali karo Smart-Phones-ka hab Application ahaan ah taas oo ka dhigcysa in adeegeeda kaliya uusan ku koobnaan isticmaalayaasha Comput-er-ka ama kaliya aan lagu isticmaalin Web-site ahaan taas oo u Sababtay in ay helaan suuq fiican dadkana aad ay u Isticmaalaan.

2013: Gmail ayaa noqday adeega Email ee ugu isticmaalka badan dunida iyada oo loo diiwaangeliyey in ka badan 1-Bilyan oo usticmaalayaal ah Google ayaa sidoo kale ku soo dartay adeegyo badan kuwaas oo sare u qaaday fududeynta Howlaha shaqo ee isticmaalayaasheeda.

2020: Ka dib COVID-19 Google iyada oo ka jawaabaysa baahida Isticmaalayaasheeda waxay isugu furtay adeegyadeeda Google Meeting iyo G-mail taas oo sa-babtay in laga maarmo is aragii shaqada iyada oo dadka u sahashay inay ku shaqeeyaan kuna fududeestaan howla hooda hab fogaan arag ah.

2024: Google ayaa ku kordhisay adeegeeda Gmail-ka adeegyo badan kuwaas oo ku dhisan Garaad-ka Macmalka ah ee loo yaqaan (Al) lyada oo la adeegsanayo Google Duet AI, Kaas oo dadka ka caaw-inaya diyaarinta fariimaha, tafatirka iyo dib u habeynia Email-ka weliba si deg-deg ah, Waxay kaloo sii horumarisay amaanka xogta Isticmaalayaasheeda.

SAAMEYNTA EMAIL IYO GMAIL EE ISGAARSIINTA MAANTA

Saameynta Ganacsiga: Email-ku wuxun si weyn u be-delay habka ay shirkaduhu ula xiriiraan macaamiishooda iyo shaqaalahooda. Ka hor Email-ka ganacsiga waxaa loo adeegsan jiray qoraallo gacanta lagu qoray.

Saameynta Bulshada: Gmail-ka wuxuu sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray Xiriirka bul-shada. Dadku waxay isticmaalaan Email si ay ula xidhiidhaan qoyska iyo asxaabta iyaga oo u diraaya lifaaqyo, documents iyo Xusuus qorkooda.

Teknoolojiyadda: Email-ku wuxuu isku xiraa adee-gyo badan oo Teknoolojiyadeed sida barnaamijyada maarcynta mashaariicda, adeegyada suuq geynta Email-ka iyo xitaa xaru-maha qancinta Macaamiisha. Tani waxa ay kor u qaadeysaa waxtarka shaqada.

Badbaadinta Waqtiga: Email-ku wuxuu bixiyaa nidaam habeysan oo lagu maareeyo fa-riimaha iyo macluumaadka. Shakhsiyaadka iyo Shirkaduhu waxay si sahlan u keydin karaan, u maareyn karaan oo u baari kaeaan fariimaha si dhaqsi ah.

Gunaanad

Email iyo Gmail waxay door muhiim ah ku leeyihiin nolosheena maalinlaha ah, laakiin waxay ku kala duwan yihiin qaabka iyo waxqabad-ka. Email waa habka guud ee fariimaha elektarooniga ah ee lagu wadaagayo xogta, halka Gmail uu yahay adeegga Google ee Email-ka kaas oo leh qalab fudud oo badan sida kayd weyn, amaanka xooggan, iyo iskaashiga Google Workspace. Farqiga ugu weynna waa in: Email waa qaabka isgaarsiinta, halka Gmail uu yahay mid ka mid ah adeegyada ay bixiso shirkadda Google.

Marka la is barbardhigo Email iyo Gmail, waxaa jira faham ahaan in Email uu yahay aaladda isgaarsiinta, halka Gmail uu noqdo mid ka mid ah adeegyada. Gmail wuxuu ka duwan yahay adeegyada kale sababtoo ah wuxuu ku darayaa mawduucyo cusub oo AI ah iyo iskaashi badan. Si kastaba ha ahaatee, labaduba waxay muhiim ugu yihiin horumarka isgaarsiinta iyo howlaha maalinlaha ah ee shaqo iyo bulsho.

Haddii aad rabto inaad barato sida loo sameeyo Gmail, akhri qormadadan: [link]

Hadii aadan wali fahmin farqiga u dhexeeya Email iyo Gmail akhriso labadaan qormo [link1] iyo [link2]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *